Fler bilder från Norrtälje

Vi använder oss av cookies för att göra din upplevelse bättre. Läs mer om cookies.  

Gå till innehåll Hoppa till navigeringen Gå till nyhetsarkiv Gå till söksida Gå till kontaktsida

Use Google to translate the website. We take no responsibility for the accuracy of the translation.

Si loo yareeyo faafinta cudur – caruur bilaa calaamado ah oo jooga dugsiga xanaanada

Haddii ilmahaaga dhigta dugsiga xanaanada u xanuusto calaamado caabuq ah (ay ku jirto xitaa dhibaato caloosha ah iyo madax xanuun) waxaa muhiimadda ugu weyn ah in ilmuhu guriga ka joogo dugsiga xanaanada. Tani waxay khuseysaa xitaa markay jiraan calaamado cudur oo khafiif ah.

Haddii ilmuhu ku caafimaado maalin gudaheed, guriga la joog ilmah ilaa intaas ka dib uu ilmuhu noqonayo bilaa calaamado cudur ugu yaraan laba maalmood ka hor intaan dib loogu noqon dugsiga xanaanada. Markaasna waa inaanu jirin wax diif ah ama calaamado cudur xitaa in yarna ha ahaatee, laakiinnse waa in ilmuhu ahaadaa mid caafimaad qaba gebi ahaanba. Marka calaamadaha cudur aanay joogsan gudaha hal maalin waxaa ilmuhu guriga joogayaa ugu yaraan toddoba maalmood, oo labada maalmood ee ugu dambeeya waa in ilmuhu ahaa bilaa xummad (qandho) oo caafimaad qabay.

Toddoba maalmood ka dib ayaa ilmuhu awoodaa, iyadoo weli shuruud ay tahay in ilmuhu ahaa bilaa xummad (qandho) oo firfircoonaa ugu yaraan laba maalmood, dib ugu soo noqon karaa dugsiga xanaanada xitaa haddii qufacyo keli ah ku hareen.

Haddii baaritaan covid-19 ah la qaaday oo uu noqday neegatiif, haddanna ilmuhu dib ma ugu noqon karo dugsiga xanaanada ka hor intaan shuruudaha kor lagu soo sheegay aanay buuxsamin. Xitaa haddii ilmuhu leeyahay “hargab caadi ah” wuxuu halis ugu jiraa in la qaadsiiyo dadka kale oo markaas iyagana ay khasab ku noqonayso inay guriga joogaan, is baaraan iyo waxyaabo la mid ah.

Soo koobitaan ahaan waxaa ansax ah in wax carruur ah oo leh calaamado cudur ay joogaan dugsiga xanaanada – qaabkaas ayaynu uga hortagaynaa in la is qaadsiiyo cudur oo isu caawin karnaa!

Xusuusin

Marka qof lagu wada noolyahay guriga la xaqiijiyay inay qabaan covid-19, waa in dhammaan dadka ku wada nool guriga ay joogaan guriga hal toddobaad ka dib wakhtigii la qaaday baaritaanka. Baaritaan covid ah ayaa lagula talinayaa dhammaan dadka ku wada nool gurigaas maalinta 5 aad, waxaa ka reeban carruurta ka yar 6 jir.

Till Om coronaviruset, covid-19
×

Tyck till om den här sidan

Har du synpunkter på den här sidan, tar vi tacksamt emot dem. Fyll i formuläret nedan och dina synpunkter skickas till ansvarig för sidan. Om du anger din e-postadress kan vi ge dig återkoppling. Tack för att du hjälper oss att skapa en bättre webbplats.